Degmada Hultsfred waxeey ku taal Småland iyo koonfur bari Iswiidhan. Waxaad ku tagi kartaa Vimmerby iyo Astrid Lindgren World wax ka yar nus saac. Waxaad ku gaari doontaa Boqortooyada Muraayadda wax ka yar saacad.

Waxay kugu qaadaneysaa wax kayar seddex saac iyo bar inaad kaxeysto Stockholm, Göteborg ama Malmö ilaa Hultsfred.

Linköping, Jönköping, Växjö iyo Kalmar waa caasimado goboleedyo waaweyn. Kuwani waxay ku qaadataa saacad iyo badh baabuur. Kalmar waxay ku taal badda dhinaceeda haddii aad rabto inaad u sii gudubto Öland, waxay ku qaadaneysaa wax ka yar nus saac.

Tareen ayaad u raaci kartaa Hultsfred. Waxaan xiriir la leenahay Linköping iyo Kalmar.

Gegada diyaaradaha ee kuugu dhow waxaa laga heli karaa Växjö, Kalmar, Linköping ama Jönköping.